Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo degaano cusub ka eryey Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay fariisimo ay Al shabaab  ku lahaayeen deegaannada Carfuudo, Juri-juri iyo Bacadka Faarax Aadan.

Howlgalkaan oo si xeeladaysan loo fuliyey ayaa Taliyaha Ciidanka deegaanka, Kornayl Gaanburi (Isduug) wuxuu sheegay in ciidamada ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalkaasi.

Waxa uu sidoo kale xusay in al shabaab halkaasi ku sugnaa laga saaray deegaannada, isla markaana la kala eryey.

“Maalmihii lasoo dhaafay, shacabka iyo ciidanka XDS iyo ciidamadda deegaanka Xarardheere ayaa si wadajir ah u wajahay argagxisada iyagoo laayay xubno badan oo ka tirsanaa khawaarijta” ayuu yiri Kornayl Gaanburi.

Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koofur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, meel qiyaastii 40-KM u jirta magaalada, halkaasoo ay sheegeen iney ku burburiyeen fariisimo ay ku lahaayeen al shabaab

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa Warbaahinta u xaqiijyay in Al shabaab laga saaray dhul ballaaran oo ay horey u joogeen, iyagoo intaa ku daray in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo deegaannada hoos yimaada magaalada Baraawe.

Related posts

Markab Xamuulka qaada oo ku quusay xeebaha Soomaaliya ka dib markii..

Caydiid Ali

Madaxweynaha maamulka Puntland oo Fariin u diray dowlada Imaaraadka Carabta

Cabdi Cade

Garoon Diyaaradeed oo Soomaaliya ku yaalla oo laga mamnuucay dhallinyarada…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---