Dowladda Mareykanka ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in magaalada Qasa uga rarto shacabka Falastiin ee ka badbaaday xasuuqa ay halkaasi ka wadaan ciidamada arxanka daran ee Israa’iil.
Madaxweyne Trump maanulkiisa ,ayaa qorsheynaya 1 milyan oo Falastiiniyiinta reer Qasa ah in loo raro dalka Liibiya, halkaa oo dib u dejin loogu sameynayo, Mareykanka ayaana ku qancinaya dowladda Liibiya in qorshahan dib u dejinta ah ay aqbasho.
Dowladda Liibiya ayaana so dhaweysay qorahahan maamulka Trump wadaan sida saraakiil laga soo xigtay , Liibiya ayaana la sheegay inay ku beddelanayso qorshahan Mareykanka wado in loo fasaxo dhaqaalaha Liibiya ee horey loo xayiray,
Saraakiil Mareykan ah ayaa booqday magaalooyinka Tripoli iyo Benghazi, iyadoo ay kala maamullan dawladda la aqoonsanyahay iyo Jen. Haftar, taa oo suragal ka dhigaysa in labada dhinac lagala hadlay qorshahan, sida ay werisay NBC News.
Madaxweyne Trump , ayaa maalmo kahor Imaaraadka ka sheegay in shacabka Qasa bisha Juun ee soo socota ka bixi doonaan dhibaatada heesata, taa oo u muuqata in Mareykanka shacabka Qasa oo marar badan diiday in Qasa laga barakiciyo markan ku cadaadinayo in ay magaaladaasi isaga qaxaan.