Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Cabdullaahi Bin Salem

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr Cabdullahi Bin Salem Al Nuaimi.

Labada masuul ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xiriirka labada dal, xoojinta taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka Amniga oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in dowladda Qatar ay tahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageerada dhinacyo kala duwan oo horumarinta dalka ah, iyada oo ay muhiim tahay in Wasaaraddu ay si dhow ugala shaqeyso sidii ay usii xoojin lahaayeen taageeradooda ku aaddan hey’adaha amniga ee hoostaga Wasaaradda.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , waxa ayna dowladda ka taageeraan dhinacyo badan sida amniga iyo fulinta mashaariicda horumarineed.

 

Related posts

Nin lagu eedeeyay in uu gubay Aayado Qur’aan oo si arxan daro ah loo dilay

Cabdi Cade

Cali Jeyte oo eedeyn yaab leh u jeediyey Cali Guudlaawe iyo Maamulkiisa

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo tagay furumaha hore ee dagaalka lana dar-daarmay ciidanka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---