Laftagareen oo aqbalay dalab kaga yimid Bankiga dhexe ee Somalia (Sawirro)

Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Koonfur-Galbeed, Hassan Mohamed Laftagareen ayaa maanta qaabiley Wefdi ka socday Bankiga dhexe ee Somalia.

Laftagareen ayaa ka dhageystay warbixin la xiriirta qorshaha Bankiga Dhexe dib ugu howlgelinayo laamihiisa dalka, si adeega Bankiga Dhexe loo gaarsiiyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), wuxuu soo dhaweeyay qorshaha Bankiga Dhexe, isagoo sheegay inuu taageero buuxda diyaar ula yahay sidii loo furi lahaa laanta Bankiga Dhexe ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Laftagareen in shacabka Koonfur galbeed ay baahi badan u qabaan adeegyada uu bixiyo bankiga dhexe, isagoo masuuliyiinta bankiga ku amaanay howlaha ay bulshada u hayaan.

Bankiga dhexe ee Somalia ayaa wada qorsheyaal uu laamo cusub kaga furanayo gobolada dalka taasoo qeyb ka ah dedaal lagu balaarinayo adeegyada bankiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -