Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Thaabit Maxamed Al-Cabaasi, kadib markii uu gaaray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Ciraaq.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen saraakiil sare oo Ciraaqi ah ayaa lagu falanqeeyay xoojinta xiriirka labada dal iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca, tababarka iyo is-weydaarsiga khibradaha ciidamada.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta iyo martiqaadka uu u sameeyay dhiggiisa Ciraaq, isagoo xusay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la dhiso iskaashi waara oo walaaltinimo iyo istaraatiiji ah.