Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo ka laabtay shirqool lagu qaarajin rabay hogaamiye Carbeed

Mareykanka ayaa daqiqadii u dambeysay ka laabtay  qorshe lagu doonayay in lagu dilo Madaxweynaha cusub ee Suuriya Axmed Sharac.

Joojinta shirqoolka lagu dili lahaa Madaxweynaha Suuriya waxay ku dhacday digniin ka timid Boqorka Urdun

Isku dayga dil ee Mareykanku u diyaariyay Madaxweynaha Suuriya waxay fajac ku noqotay boqorka urdun

Boqor Cabdalla ayaa maraykanka u sheegay in dilkiisa ay ka dhalanayso Colaad baahsan oo saamaysa gobolka oo dhan

Arintan sirta ahayd waxaa kashiftay Senator Jeanne Shaheen oo ka tirsan aqalka odayaasha Mareykanka.

“Waxaan ka walaacay wararka iga soo gaaray qaar ka mid ah xafiisyada siyaasadda arrimaha dibadda ee maamulka Trump oo ah in hal ikhtiyaar la soo jeediyay kaasoo ahaa dilka hoggaamiyaha cusub ee dawladda Suuriya  Axmed al-Sharaa Nasiib Wanaag arintan dhiilada lahayd waxaa hor istaagay boqorka Urdun Booqashadiisii ugu dambaysay ee uu ku yimid Washington” ayey Senator Jeanne Shaheen.

Lama sheegin sababta Mareykanku u doonayey inuu u dilo Madaxweynaha cusub ee Siiriya oo horey uga tirsanaa dagaalyahanada kooxo taabacsanaa Al-Qaacida oo ka dagaalamayey dalka Siiriya.

Related posts

Al Shabaab oo saakay Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig Ciidan

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo hirgelisay adeeg ka dhan ah Al-shabaab

Caydiid Ali

Soomaaliyey Anagga iyo Shirkadda Korontada BECO noo kala Garqaada (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---