Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax saakay Muqdisho ka dhacay iyo Ciidamada AMISOM oo dad badan dilay

Qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa saakay lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM kuwaa oo marayay agagaarka Isgooska SOS ee degmada Hiliwaa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM, lamana oga khasaaraha qaraxan kasoo gaaray ciidankii AMISOM ee lagu weeraray.

Qaraxa kadib ayaa ciidamada AMISOM waxa ay fureen rasaas xoogan oo dhalisay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ay sidoo kale ciidamada AMISOM xireen wadada laamiga daqiiqado badan.

Inta la xaqiijiyay afar qof oo shacab ah ayey dileen ciidamada AMISOM ee saakay lagu qarxiyay Muqdisho, waxaana dadka ay dileen ciidamada AMISOM sadex kamid ah ay fadhiyeen goob shaaha laga cabo.

Ciidamada AMISOM ayaa inta badan qaraxyo loogu dhigaa laamiga isku xira Isgooska SOS iyo Suuqa Xoolaha, waxa ayna ciidamada AMISOM qaraxyada kadib ay waxyeelo xoogan gaarsiiyaan shacabka ka dhaw halka lagu qarxiyo.

 

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo magacaabay guddi Qaran oo kooban 8 wasiir iyo xubno kale (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxamed Bin Salman oo Shaaca ka qaaday sida ay ka yeelayaan dadkii dilay Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay labo nin oo gacanta ugu jiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---