Ra’isul Wasaare Kheyre oo magacaabay guddi Qaran oo kooban 8 wasiir iyo xubno kale (Akhriso)

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu magacaabay guddi heer Qaran ah oo ka kooban Toban Xubnood, kuwaasoo ka shaqeyn doona qaban qaabada Xuska todobaadka Maalmaha Xorriyadda, Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya oo ku beegan Sanad guurada 58aad ee 26 Juun iyo 1 Luuliyo ee 2018.

Guddigaan, ayaa hawshooda waxay ku eg tahay marka Munaasabadaha ay dhammaadaan, waxayna magacyadooda ay kala yihiin:-

1-Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta.                         Guddoomiye

2-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga.                 Xubin

3-C/raxmaan Ducale Beyle  , Wasiirka Maaliyadda.                       Xubin

4- Xasan Cali Maxamed  ,     Wasiirka Gaashaandhigga.                Xubin

5-Maxamed Abuukar Islow,  Wasiirka Amniga gudaha.                  Xubin

6-Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyaradda.                    Xubin

7- Deeqa Yaasiin X. Yuusuf , Wasiirka Haweenka.                          Xubin

8-Saalax Axmed Jaamac , Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.         Xubin

9-C/raxmaan Cumar Cismaan, Guddoomiyaha G/Banaadir.             Xubin

10-Bashiir Axmed Cusmaan , Ag. Gol. was. iyo Xiriirka Baarlam.     Xoghaye guud

Shaqada laga rabo guddigan

1-Inay qaban qaabiyaan Xuska maalmaha Xorriyadda 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo.

2- In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.

3-In ay jaan-gooyaan Kharashaadka ku baxaya xuska Maalmaha xorriyadda.

4-In ay magacaabaan guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka maalmaha Xoriyadda.

5-In ay sugaan Amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo ee 2018-ka.

6-In ay kormeeraan sida ay u socdaan hawlaha guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka iyo munaasabadaha Qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -