Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Shariif Xasan oo xil ka qaadis sameeyay xili uu xaalku ku xun yahay (Digreeto)

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilka ka qaaday mid kamid ah Golihiisa Wasiirada oo mucaaradad u muujiyay.

Wareegto uu soo saaray Shariif Xasan ayaa xilka looga qaaday wasiiru dowlihii Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Abba Awow Suufi Caffan, waxaana Wasiirkan lagu eedeeyay anshax xumo iyo aflagaadada ka baxsan baratakool golaha Wasiirada.

Wasiirkan uu xilka ka qaaday Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sidoo kale ah Xildhibaan katirdan Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uuna Xildhibaankan si weyn u dhaliilay Siyaasada Shariif Xasan oo mar kale damacsan in uu Hogaamiyo Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Shariif Xasan oo hada xaalka ku xun yahay ayaa bilaabay farsamooyin uu uga hortagayo ololaha la doonayo in meesha looga saaro, waxa uu sidoo kale damacsan yahay in uu xilka ka qaado xubnaha mucaaradka ee maamulkiisa ku jira .

Halkan ka Ahhriso Digreetada xil ka qaadista

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Cali Xoosh iyo Guddoomiye Madaale oo maanta lala xisaabtamay

Cabdi Cade

Kheyre oo la kulmay Ganacsato ka cabaneysa Canshuur kordhin (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay howlgal lagu dilay Xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---