Maxamed Bin Salman oo Shaaca ka qaaday sida ay ka yeelayaan dadkii dilay Jamal Khashoggi

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeesay ka hadlay dilkii argagaxa lahaa ee gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbuul loogu geestay Wariye Jamal Khashoggi.

Maxamed Bin Salman ayaa shaaca ka qaaday in la ciqaabi doono cadaaladana mari doonaan dadkii ka dambeeyay dilka Jamal Khashoggi, waxa uuna cadeeyay in uu aad uga xumaaday falkaasi Wariyaha Mucaaradka ah lagu dilay.

“Dilka Jamaal waxa uu ahaa dambi bahalnimo ah oo aan marmarsiiyo loo raadin Karin,kuwii ka dambeeyay falkii lagu dilay Jamaal Khashoggi waa lala xisaabtami doonaa ciqaab adag ayeyna mudan doonaan” Ayuu yiri Maxamed Bin Salman.

Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa sheegay in Turkiga ee leeyihiin xiriir wanaagsan una dhaxeyso wada shaqeyn, waxa uuna xusay in ay jiraan dad isku dayaya in ay kala geeyaan Sacuudiga iyo Turkiga

”Wada shaqeyn wanaagsan ayaa naga dhaxeysa Turkiga, dad badan ayaa iskudayaya in ay ka faa’idaystaan xaaladdan xanuunka badan si ay ukala geeyaan Sacuudiga iyo Turkiga. Waxaan doonayaa inaan farriin u diro: Waligiin ma awoodi doontaan in aad sidaas yeeshaan” Ayuu yiri Maxamed Bin Salman.

Hadalka Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa kusoo aadaya xili ay jiraan tuhuno la xariira in uu wax ka ogaa dilka Wariye Jamal Khashoggi , waxaana dadka dilka fuliyay ku jira xubno aad ugu dhaw Maxamed Bin Salman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -