Dal ka tirsan Afrika oo qarka u saaran inuu ka dhaco xasuuq la mid ah kii Rwanda

Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in gobolka Darfur uu wajahayo halis xasuuq iyadoo dunida ay ku sii jeedo dagaalka Ukraine iyo Gaza.

“Waxaan aragnaa astaamaha in xasuuq dhici karo ama dhacay” ayey tiri Alice Wairimu Nderitu oo ah la tiliyaha gaarka ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee ka hortagga xasuuqa.

Waxay sheegtay in rayid badan loo beegsaday qowmiyadda ay ka soo jeedaan darteed magaalada hareereysan ee El Fahsar halkaasi oo dhawaan uu ka dhacay dagaal xooggan.

Xaaladda ayaa lagu tilmaamay in ay u egtahay “Xasuuqii Rwanda” ee 1994-tii sidaasna waxaa sheegay Ms Nderitu

In ka badan 700 ayaa la soo sheegay in ay ku dhinteen toban maalmood gudahood. Al Fasher waa magaalada ugu dambeysay gobolka Darfur oo weli ku jirta gacanta ciidamada militeriga.

Militeriga iyo ciidamada RSF ayaa dagaallamayay in ka badan sanad. Dagaalka sokeeyda waxaa ku dhintay kumanyaal iyadoo malaayiin ay ka qaxeen guryahooda.

 

- Advertisement -