(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Max’uud Sayid Adan & Saraakiisha Ceelwaaq

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland mudane Mohamud Sayid Aaden iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa kulan la qaatay maamulka iyo Saraakiisha Amniga ee degmadaasi.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Jubbaland, Wasiirka Amniga Jubaland iyo  xildhibaan Faarax Macalin Bishaar oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka dowlada federalka Soomaaliya,

Kulanka oo ka dhacay xerada ciidanka Daraawiishta Jubaland ee degmada Ceelwaq ayaa ahaa mid is-xogwareysi ah iyo sidii loo dardar galin lahaa Amniga guud ee degmada iyo Deegaanada hoos yimaada.

Degmada Ceelwaaq ayaa ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo ee xadka  leh Kenya, waxaana degmadaas dhowr jeer weeraray kooxda Al shabaab inkastoo dib looga saaray.

- Advertisement -