Dacwad cusub oo lagu furay Gudoomiyaha Maxkamada ICG Cabdulqawi Axmed Yuusuf

Dacwad cusub ayaa la geeyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda kaasoo ku saabsan in Madaxweynaha Maxkamada oo ah nin Soomaali ah uusan ku lugyeelan dacwadda badda ee Soomaaliya ay ka gudbsay Kenya taasoo maalmo kadib loo fariinsan doono.

Codsiga waxaa maxkamadda geeyay Gudoomiyaha Madasha Pan Africa David Matsanga waxaana uu doonaya in uu muujiyo  in garsooraha ugu sarreeya Maxkamadda ICJ Cabdulqawi Axmed Yusuf  uusan sharci ahaan ku habooneyn kiisKa maxkamadda ka bilaaban doona sagaalka bishan.

Codsigiisa ayaa Matsanga waxaa uu ku sheegay in Garsooruhu uu meel kale uga hadlay Kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya taasoo keeneysa Khilaaf dan ku saleysan maadaada uu garsooruhu yahay muwaadin Soomaaliyeed.

“Natiijo aan dhex-dhexaad ahayn oo eex ah ayaa kiiska ka dhalan doonta” sida uu sheegay ninkan kiiska geeyay maxkamadda.

“Dan ayaan ka leenahay kiiska maadaama ay ku lug leeyihiin dalal u dhashay Bariga iyo Geeska Africa” ayuu Matsanga ku sheegay qoraalka uu maxkamada geeyay.

“Mudaawinka Soomaaliyeed qalbigiisu Soomaalida ayuu u dhowyahay” ayuu yiri waxaana uu hadalkiisa ku sii daray in uu Cabdul Qawi meel ka baxsan Maxkadda uu uga hadlay arrinta badda taasoo aan loo ogoleen garoosrayaasha.

Dowladda Kenya ayuu ugu baaqay inaysan ka qayb gelin dhageysiga dacwadda haddii uu Cabdulqawi Axmed Yuusuf ka mid noqodo garsooreyaasha dacwadda dhageysanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -