Kenya oo looga digay Halista uga imaan karta Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya

Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaa ka hadlay horumarka iyo tayada ciidanka Kumaandoosa Soomaaliya ee loo yaqaan Danab oo ay tababaraan saraakiil iyo ciidamo Mareykan ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya.

Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray Warbixin uu ciwaan uga dhigay “Kenya waa inay si qoto-dheer ula socotaa dhaq-dhaqaaqyada Soomaaliya” , waxa uuna Wargeyska farta ku fiiqay ciidanka Kumaandoosa Soomaaliya.

Waxa uu  Wargeyskan uga digay dowlada Kenya halista uga imaan karta musaqbalka ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo sidoo kale iskaashiyada cusub ee dowlada Soomaaliya yeelaneyso, waxa uuna xusay in Kenya arintan qatar uga imaan karto.

Wargeyska The Star ayaa qoray in Soomaaliya booqasho ku tageen Danjire Donald Yamamoto, iyo taliyaha ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) General Thomas Waldhauser, waxa uuna xusay in wadahadalo la yeesheen Ra’isul Wasaare Kheyre.

Waxa uu xusay Wargeysa in wadahadalada labada dhinac dhax maray diirada lagu saaray iskaashi dhax mara Soomaaliya iyo Mareykanka iyo sidoo kale in Mareykanka gacan ka geesto dhismaha ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab.

Ciidamada Kumaandooska ee Danab ayuu ku sheegay Wargeyska in uu yahay ciidanka ugu tayada wanaagsan ciidanka Soomaaliya, waxa uuna Wargeysku xusay in ciidankan yeelanayo ilaa shan guuto oo aad u tababaran.

Wargeyska ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo in ciidamadiisa kala soo baxo waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyadoo ciidammada Maraykanka ay haatan ku dhex-jiraan ciidammada Danab, oo loo diyaarinayo inay Al-Shabaab la dagaalamaan.

Soomaaliya ayaa ku taameysa in ay yeelato ciidan xoogan oo tayo wanaagsan leh, waxaana Soomaaliya hada ciidanka Kumanadooska u tababara dalal ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga.

Ciidan xoogan oo  Soomaaliya yeelata ayaa walaac waxa uu ku abuuraya qaar kamid ah wadamada dariska la ah Soomaaliya kuwaa oon marnaba ku farxeyn in Soomaaliya soo ceshato dowladnimo buuxda ayna dib u dhisato ciidan xoogan oo gudaha iyo dibada difaaca

- Advertisement -