Allbanaadir.com
NEWS

Burcad badeed markab ku weerartay xeebaha Somalia oo gacanta lagu dhigay

Burcad badeed weeraray markab marayey xeebaha Somalia oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka badda Midowga Yurub ayaa gacanta ku dhigay 6 nin oo Soomaali ah oo isku dayay inay afduubaan markab qaada shidaalka

Markabkan oo ay lahayd shirkadda Chrystal Arctic ayaa marayey meel u dhow xeebaha Somalia sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AP.

Iska caabin ay kala kulmeen ilaalo saarnayd marka ayaa ku qasabtay kooxda burcad badeeda ah inay dib uga laabtaan

Ciidanka badda Midowga Yurub ayaa markii dambe gacanta ku dhigay burcad badeeda iyagoo qaarkood qaba dhaawacyo kala duwan, doonida ay wateena uu ka daadanayay shidaalka.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa dib u soo laba kacleeyey bilihii u dambeeyey, iyagoo afduubtay maraakiib marinkoodu ahaa xeebaha Somalia oo qaarkood ku sii daayey malaayiin dollar oo madax furasho ah. halka maraakiib kale oo ay weerareena ay ku fashilmeen iney qabsadaan.

Related posts

Kheyre oo la kulmay Ganacsato ka cabaneysa Canshuur kordhin (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Isbadal Saakay Muqdisho laga dareemayo kadib is Casilaadii Gudoomiye Jawaari

Cabdi Cade

Aktarad laga xaday abaal marinta Oscars wax yar kadib markii la guddoonsiiyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---