Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo xilka ka qaaday Gudoomiye Maxkamadeed, mid kalena Magacaabay

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida, kuna magacaabay Gudoomiye cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan;

Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida

Og: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Gaashaanle Sare Cabdi Cali Xayd Raage laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Related posts

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay xubno matelayay shan dal oo Yurub katirsan

Cabdi Cade

Gantaal lagu tilmaamay Hubka dunida ugu awooda badan oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Xalane ka dhacaya iyo Cadaadiska Beesha Caalamka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---