Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo ka soo kordhay booqahadii RW Xamse ku joogay dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo gabagabeeyay safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kenya muddadii u dhexeysay 6-da ilaa 11-ka May, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu joogay Kenya waxa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda dalkaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa intii ku sugnaa dalka kenya, kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto, iyadoo sidoo kale labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiisyo badan.

Waxa uu sidoo kale la kulmay Ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas oo uu uga warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha ganacsi iyo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale waxay Nairobi isku arkeen Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

Related posts

(Sawirro) Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay Xildhibaannadii lagu doortay Jowhar?

Caydiid Ali

Qoyska Marxuum Luul C/casiis oo War cusub soo saaray, kuna dhawaaqay in la aasayo

Caydiid Ali

Khayre oo labo arrin ka dalbaday DF ka dib qabashadii Ceelbuur & degaano kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---