Allbanaadir.com
NEWS

Fahad Yaasiin ” Xasan Sheekh wax walbo sidii loogu dhiibay wuu ka beddelay”

Taliyihii hore ee Hay;’adda nabadsugiudda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wax badan beddelay tan iyo markii uu xilka kala wareegay Madaxweynihii ka horreeyay.

Fahad Yaasiin , ayaa sheegay in Madaxweynaha uu beddelay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, sidoo kale uu beddelay maamuladii sharciga ku joogay, isagoo tilmaamay in wax waliba u beddelay sidii uu isaga rabay Madaxweynaha.

Halkan ka akhriso qoraal uu arrintan kaga hadlay Fahad Yaasiin

Nin baa bari magaalo usoo adeeg doontay. Badeeca walba qiimihii uu ku ogaa waxbaa lagu sii daray. Markii uu adeeggii soo dhammaystay buu Masjid soo galay iyada oo Taraawiix la tukanayo. Markii lasii marayay 8 rakcadood buu ka baxay masjidkii.

Baadiyihii kolkuu ku laabtay ayaa la yiri, magaalo ka warran? Wuxuu yiri, wax walba sidii aad ku ogaydeen waa la baddalay, xitaa salaaddii cishaha iyada oo 8 rakcadood sii dhaaftay baan ka soo tagay.

Haddeer, Madaxweyne Xasan wax walba sidii loogu dhiibay wuu beddalay. Dastuurkii heshiiska lagu wada ahaa wuxuu ku beddalay mid kala dhantaalan. Maamulladii sharciga ku joogay wuxuu ku beddalay IDMANAYAAL. Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah wuxuu ku beddalay loo joojin maayo iyo yaa jeenan noo haya. Doorasho heshiis lagu yahay, wuxuu ku beddalay Xisbi weyn iyo kaligay baa isla tartamaya. Golihii Madasha Qarankana, wuxuu ku beddalay Golaha Sare ee Kacaanka.

Waxay ku soo wada dhammaan doontaa, hal subax inuu soo miyirsado oo waxaas oo dhan uu halmar wada daadiyo. Iga indho adag nin dhagax la hardamay!

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ex-Xildhibaan Shiikh Shaacir Shiikh Max’ed oo geeriyooday & Xassan Shiikh oo ka hadlay

Caydiid Ali

85 jirkii ururin jiray lacagta uu Xajka ku aadi lahaa oo sannadkan Nasiibku saaciday!

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo Digniin kasoo saartay isticmaalka Labo sharoobo oo halis ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---