Maraykanka oo ka digay weeraro ku soo wajahan Hotelo ku yaalla Magaalada Nairobi

Digniin ka soo baxday Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in ay jiraan qorshe shirqool ah oo lagu weerarayo Hotel Wayn oo ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Si dhab ah hoteelka looma aqoonsanin laakiin waxaa la aaminsan yahay in uu yahay hoteel caan ah oo ay isticmaalaan Dalxiisayaasha iyo dadka safarada ganacsi ku yimaada Magaalada Nairobi” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay safaarada Maraykanka.

Safaaradda ayaa muwaadiniinta Maraykanka ee ku nool dalkaas siisay talooyin ay kamid yihiin;

1-Badi feejignaanta marka la booqanayo ama la joogayo Hoteelada ku yaala Nairobi.
2-Haddii aad joogayso Hotel, ogsoonoow qorshaha daadguraynta Hoteelka, Horay u sii qorshee qaabka aad uga bixi lahayd Hoteelka hadii ay jirto xaalad dag dag ah.
3-Dib u eeg qorshayaashaada amaanka.
4-Ka feejignaaw agagaarkaaga ama meelaha kugu hareeraysan.
5-La soco warbaahinta gudaha si aad wax walba oo soo kordhay ula socoto.

Digniintan ay soo saartay safaarada Maraykanka ee Nairobi oo soo xiganeysa ilo dhinaca sirdoonka ah ayaa ku soo aadeysa xili Al-shabaab ay mudooyinkan sii kordhisay weerarada ay ka wado gudaha Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -