Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muddo intee le’eg ayuu Viruska Corona ku noolaan karaa telefanada gacanta dushooda?

Daraasad caafimaad oo Australia ah, oo muddo ka hor lagu daabacay Wargeyska Virology ayaa muujisay in fayraska keena cudurka covid-19 uu ku noolaan karo in ka badan bil dusha sare ee shaashadaha taleefannada gacanta iyo Waraaqaha lacagta.

Anders Weidel oo ah Profasor ku takhasusay cilmiga Virology ee Jaamacada Lund ayaa u sheegay idaacada Sweden in arrintani ay tahay mid halis ah.

“Waa virus aad u xoogan… laakiin waa inaan xasuusnaano in tani ay la xiriirto tijaabooyinka heerarka sare ee infekshinka ee deegaan gaar ah” ayuu yiri Anders Weidel.

Daraasaddu ayuu sheegay iney muhiim u tahay sii wadista qoto-dheerida baaritaanka ku saabsan COVID-19 waxayna sidoo kale muujineysaa muhiimadda ay dadku u leeyihiin inay sii wadaan ilaalinta nadaafadda.

Johan Samuelson oo kamid ah ardayda wax ka barata Jaamacada Lund University ayaa sheegay in daraasadan ay walaac badan abuurtay.

“Waxaan guriga ku haystay dhalo aalkolo ah oo nadiif ah, waxaan mararka qaarkood ku nadiifin jiray taleefanka. Muddo dheer intaas ma aanan samayn, laakiin hadda waxaa laga yaabaa inay tahay waqtigii aan aad uga taxaddari lahaa,” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xubno katirsan Al Shabaab oo la dilay iyo mid nolosha lagu qabtay

Cabdi Cade

Saamiya Suluhu Hassan oo loo dhaariyey Madaxweynaha cusub ee Tanzania (Sawirro)

Caydiid Ali

Khubaro u dhashay Saudia Arabia oo saadaal ka bixiyey Maalinta ay noqoneyso Ciidul fitriga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---