Burcad-badeed Soomaali ah oo maanta ku fashilantay in Markab ganacsi afduubtaan

Koox burcad-badeed Soomaali ah oo watay dooni nuuca dheereeya ah ayaa maanta oo Jimco ah weerar ku qaaday markab ganacsi oo marayey meel 195 nautical miles dhanka bari kaga toosan xeebaha magaaladda Cadan ee dalka Yemen.

Burcad-badeeda weerarka ku qaaday markabka ganacsi ayaa tiradooda lagu sheegay lix ilaa shan nin oo hubeysan, waxa ayna ku dhawaadeen markabka ganacsi iyaga oo isku dayay in ay afduubtaan.

Shirkadda UK ee hawlgallada ganacsiga baddaha ee UKMTO ayaa sheegtay in kooxda burcad-badeeda Soomaalida ah ku fashilmeen afduubka markabka ganacsi, kaddib markii iska caabin xooggan kala kulmeen ilaalo markabka la socotay.

Kooxdii burcad-badeeda ee isku dayay afduubka markabka ayaa la sheegay in ay ku baxsadeen doontii ay wateen, lamana oga khasaaraha kooxdaasi kasoo gaaray iska caabinta ay kala kulmeen ilaalada markabka.

Shaqaalaha la socday markabka ay weerarka ku qaadeen burcad-badeeda Soomaalida ayaa la sheegay in dhankooda uusan wax khasaaro ah soo gaarin, waxa uuna markabka sii watay safarkiisa ,kaddib weerarkii uu maanta la kulmay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -