Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo maanta sameeyay Daah-fur, xarag-jar iyo Dhagax-dhig (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka sameeyey Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga howlo isugu jira daah-fur, xarig-jar iyo dhagaxdhig.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhagax-dhigay Dhismaha Machadka Qorsheynta, Istatistikada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka iyo Dhismaha Hey’adda Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliyeed, isaga oo daah-furay hoolka cusub ee Wasaaradda iyo hey’adda Istaatistikada Qaran oo loo bixiyey Nuur Weheliye.

Dhismeyaasha la dhagax-dhigay oo qeyb ka ah Wasaaradda Qorsheynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay kuwo wax weyn ku soo kordhinaya dalka iyo horumarka la hiigsanayo, isagoo ku bogaadiyey Wasaaradda hirgelinta barmaamijka casriyeynta dowladnimada oo muhiim u ah dalkeenna, kaas oo horseedaya isbeddel la taaban karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkad shidaal qodis ka wadday deegaanka Soomaalida Itoobiya oo shaqada laga joojiyay

Cabdi Cade

Musharaxiinta Mucaaradka oo ku kala qeyb samay Dagaalka Siyaasadeed ee Farmaajo kaga soo horjeedaan

Cabdi Cade

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay qasab ku noqotay inay wada-hadallo la furaan Iran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---