Allbanaadir.com
NEWS

R/W Kheyre oo Kormeeray Saldhig Mareykanka ku tababaraan Kumaandooska Somalia (Daawo Sawirada)

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tagay garoonka Diyaaradaha Balli-Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo saldhig u ah ciidamo Mareykan ah oo tababara Kumaandoosaka Somalia.

Xasan Kheyre Kormeerka uu ku tagay Garoonka Balli-Doogle waxaa ku wehliyay Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Cirka , Abaanduulka Ciidanka Milaariga iyo saraakiil  kale oo Milatariga katirsan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u kuur galay xaalada ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab , waxa uuna warbixino ka dhageestay Saraakiisha ciidankaasi ee ku sugan Saldhiga Balli-Doogle.

Booqashada Kheyre ku tagay Saldhiga Balli-Doogle ayaa noqoneysa tii labaad uu halkaasi ku tago, waxaana saldhigaasi ku sugan Ciidamo Mareykan ah oo aad u qalabeysan kuwaa oo Kumaandooska Somalia ka taageera dhinaca tababarada iyo Howlgalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir caan ah oo taageeray dibed-baxa Mucaaradku ku baaqeen Jimcaha

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Maxay ka wada hadleen Ing. Yariisow & Madaxda Waaxyaha G/Banaadir?

Caydiid Ali

Burcad telfoonka ka dafay askari shaqo ku jiray iyo Hadal heyn ka dhalatay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---