Bas si xowli ah ku socday oo ku dhacay Webi iyo khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Gaari bas ah oo rakaab siday kuna socday si xowli ah ayaa ku dhacay webi kuyaalla magaallada Saint Petersburg ee dalka Ruushka, waxaana shilkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa baahisay in baska oo si xowli ah ku socday uu jiiray biraha buundo uu dul marayay, waxa uuna baska ku hoobtay uu ku dhacay webiga hoos mara buundada uu ku dul socday.

Inta la xaqiijiyay shilkan gaari ee ka dhacay magaallada Saint Petersburg ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo loola cararay goobaha caafimaadka.

Booliiska magaallada Saint Petersburg ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aadan waxa sababay shilkan ,waxaana muuqaallo la daawaday lagu ogaaday in gaariga uu si xowli ah uu ku socday uuna ka baxay waddada taas oo sababtay in uu wabbiga ku dhaco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -