Puntland oo si adag uga hortimid tallaabo Dowladda Soomaaliya ay qorsheeneyso

Maamul goboleedka Puntland ayaa si adag uga horyimid dalab dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso in la xiro xafiiska siyaasadda hay’adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Puntland ayaa tallaabo khaldan ku tilmaantay dalabka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan in la xiro xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in aysan maamulkooda ku raacsaneyn tallaabada dowladda qaadeyso.

Wasiirk Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in xilligaan aan la joogin waqtigii la joojin lahaa howlaha xafiiskaan uu qabto, maadama sida Puntland ay qabto aaney dalka ka jirin dowlad awood badan.

Waxa uu sheegay wasiirka in dalabka dowladda uu yahay qar iska tuurnimo isagoo duray sharciyadda dawladda federaalka Soomaaliya, kaddib isbadalka ay ku samaysay dastuurka KMG ah sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Puntland.

”Xafiiska UNSOM shaqo wayn buu Soomaali u qabtay ka fiirsi la,aan bay ahayd dawadda, 1-dii April baa xasaanad ugu danbaysay inay sida shacabka u hadlaan waa laga fiican yahay. Dalkaan markii uu amni noqdo oo uu isku filnaado, markuu siyaasad dagan gaaro waa laga maarmi karaa UNSOM” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

Hadalkan kasoo yeeray Puntland ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay dalbatay in meesha laga saaro howlaha xafiiska kaalmeynta Qaramada Midoobay ee UNSOM, kaas oo Soomaaliya ka shaqaynayey muddo ku dhow 30 sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -