Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo isku dhax gubay Xabsi uu ku xirnaa

Wararka ka imaanaya dalka Liibiya ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed uu isku dhax gubay xabsi uu ku xirnaa , kadib markii uu ka niyad jabay in xabsigaasi ka baxo uuna tago halkii uu haminayay oo Yurub aheyd.

Wargeyska Irish times oo soo xiganaya Soomaali kale oo xabsiga kula xirnaa muwaadinkan iyo xubno katirsan Hay’ada Socdaalka Aduunka ayaa sheegay in Muwaadinka Soomaaliyeed uu isku dhax gubay xabsiga uu ku xirnaa.

Ninka is gubay oo da’diisa lagu qiyaasay 20-sano ayaa la sheegay in Matoor xabsiga dhax yaalay kasoo qaatay bansiin kadibna sidaas isku gubay, waxaana la geeyay isbitaal isaga oo xaalad halis ah ku jira.

Wargeyska ayaa qoray in ninkan is gubay saaxiibadiis u sheegay in uu ka niyad jabay in riyadiisa oo aheyd in uu kunoolaado dal nabdoon u rumoobi weysay ,waxa ayna niyad jabkaasi ku riday in uu noloshiisa is dhaafiyo.

Afhayeenka Hey’adda Socdaalka ee IOM Joel Millman ayaa sheegay in ninka is gubay la geeyay isbitaal kuyaala magaalada Tripoli, waxa uuna xusay in koox caafimaad oo hay’adooda katirsan tageyn soona arkeyn xaalada ninka is gubay.

Ma sheegin Afhayeenka in Muwaadinka Soomaaliyeed ee is gubay uu geeriyooday iyo in kale, waxaana Wargeyska warkan qoray sheegay in muwaadinkan Soomaaliyeed u badan tahay in uu geeriyooday.

Xabsiyada dalka Liibiya waxaa ku xiran Soomaali badan oo damacsanaa in ay galaan dalal Yurub katirsan, waxaana dadka ku xiran Xabsiyada heesta dhibaato aad u xoogan iyagoona ka niyad jabsan in hamigoodii uu u hirgali waayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War deg deg ah: Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukaama

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo howlgal ku dilay Xubno katirsan Al Shabaab soona bandhigay

Cabdi Cade

Israa’iil oo shaacisay iney Mareykanka la wadaageyso xog xasaasi ah oo ku saabsan..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---