Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo digniin adag kasoo saartay Maleeshiyaad tagay degmada Shaxda

Ciidamo maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay tageen degmo lagu magacaabo Shaxda oo katirsan gobolka Karkaar ee Puntland, waxa ayna maleeshiyaadka halkaasi ka abuureen cabsi gelin .

War kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Puntland, ayaa lagu sheegay in maleeshiyada hubeysan oo kasoo jeeda deegaanka Taleex maanta tageen degmada Shaxda, waxa ayna booliiska sheegeen in halkaasi deg deg loo geeyay ciidamo kuwa amaanka ah.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar, Gashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud iyo ciidamo uu wato ayaa gaaray degmada Shaxda, waxa ayna booliiska sheegeen in degmada hadda joogaan ciidanka booliiska ayna ka baxeen maleeshiyaadkii yimid.

”Ciidanka Booliska Puntland wuxuu si adag ugu digayaa isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga degmada. Maleeshiyaadkii waa laga saaray degmada, waxaana hadda xaaladda degmada Shaxda ay tahay mid deggan, iyadoo si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Booliska” ayaa lagu yiri warka booliiska Puntland kasoo baxay.

Ciidamada maleeshiyaadka ah ee maanta tagay degmada Shaxda ee Puntland hoostagta , ayaa la sheegay in ay kasoo jeedaan deegaannada Khaatumo, lamana oga ilaa hadda ujeedka maleeshiyaadkaasi u tageen Shaxda , mana bixin maamulka Puntland faahfaahino badan oo arrintan la xariirta.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Shir jaraa’id oo lagu dhex qabtay fatahaada webiga ee degmada Afgooye

Caydiid Ali

Saldhig Dhulka hoostiisa kuyaalla oo Iran ka sameesatay Sudan oo la arkay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay weerarkii Hotelka Xayaat iyo Dad badan oo lasoo badbaadiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---