Diyaarad ay la socdeen 188 -qof oo Rakaab ah oo bur burtay (Daawo Sawirada)

Warar ka imaanaya dalka Indonesia ayaa sheegaya in ay bur burtay Diyaarad nuuca rakaabka qaada oo nooceedu yahay Boeing 737 , waxaana diyaaradan saarnaa rakaab gaaraya 188-qof .

Diyaarada bur burtay oo leedahay shirkadda Lion Air ayaa hawada ka baxday wax yar un kadib markii ay ka duushay magaalada Jakarta ee caasimada dalka Indonesia, waxa ayna diyaarada kusii jeeday magaalada Pangkal Pinang ee Jaziirada Bangka Belitung.

Afhayeenka Hay’ada gurmadka dega dega ee dalka Indonesia ayaa Warbaahinta u sheegay in diyaarada ku dhacday badda, waxa uuna xusay in Diyaaradda  badda hoos u gashay 30 ilaa 40 mitir.

Diyaarada bur burtay ayaa nuuceedu ahaa Boeing 737 MAX 8, waxa ayna aheyd diyaarad  cusub oon wax badan shaqeyn, lamana oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay shilkan.

Kooxha gurmadka ayaa wada baadi goobka nolol iyo geeri rakaabkii diyaarada la socday, waxa ayna kooxahan biyaha badda kasoo saareen qaar kamid ah rakaabkii diyaarada saarnaa oo dhintay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -