Milkiilihii kooxda Leicester City oo shil diyaaradeed ku geeriyooday (Daawo Sawirada)

Waxaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday Milkiilihii kooxda kubada cagta ee kooxda Leicester , City, kadib markii diyaarad Helicopter uu la socday ku bur burtay meel aan ka fogeyn garoonka kooxda ee King Power ay ka duushay diyaarada.

Qoraal kasoo baxay kooxda Leicester ayaa lagu xaqiijiyay geerida Bilyaneer Vichai Srivaddhanaprabha iyo labo kamid ah shaqaalihiisa gaarka ah oo lagu kala magacaabo Nursara Suknamai iyo Kaveporn Punpare.

Shilkan diyaaradeed waxaa sidoo kale ku geeriyooday Duuliyihii Diyaarada Eric Swaffer iyo Izabela Roza Lechowicz oo caawineysay Duuliyaha, walina lama shaacin sababta keentay bur burka diyaarada.

Dad badan oo kamid ahaa taageerayaasha Kooxda Leicester ayaa ubaxyo dhigay garoonka King Power iyo goobta uu shilku ka dhacay, waxa ayna ka murugeesnaayeen geerida ku timid Milkiilaha kooxda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -