Israa’iil oo shaacisay iney Mareykanka la wadaageyso xog xasaasi ah oo ku saabsan..

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa qorshaynaya inuu la wadaago dhigiisa dalka Maraykanka Joe Biden Arbacada, xogo sirdoon oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay samaysay Iran oo ay ciidamada Ruushku u isticmaaleen dagaalka ay ka wadaan dalka Ukraine.

Isaac Herzog qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in dalkiisu uu hayo caddaymo sawiro ah oo muujinaya sida ay isugu midka yihiin diyaaradaha lagu soo riday dalka Ukraine iyo kuwa ay Iran tijaabisay sannadkii 2021.

Biden ayaa Talaadadii soo saaray digniin adag oo uu uga digayo dalka Ruushka inuu u isticmaalo dagaalka Ukraine, bam ka mida noocyada halista ah ama hubka nukliyeerka. Isaga oo sheegay in haddii Ruushku uu tallaabadaas qaado, ay noqon doonto khalad weyn.

Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ayaa sheegay in Ruushku uu dhowaan adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Iran ee loo yaqaano Shahed-136, isaga oo ku weeraray qaybo badan oo oo ay ku jirto caasimadda Kyiv.

Iran ayaa beenisay inay dalka Ruushka gaarsiisay diyaaradahaas, halka Moscow ay lafteeduna ay iska fogaysay eedda loosoo jeediyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -