War deg deg ah: Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukaama

Qarax aad u weyn ayaa goor dhow ka dhacay vqeybo ka mid ah wadada maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoog badan oo daryankiisa laga maqlay meelo badan ayaa wararka ugu horeeya waxay sheegayaan inuu ka dhacay ka soo horjeedka hotelka Wehliye oo ku yaalla inta u dhexeysa labada isgoys ee Dabka iyo Sayidka.

Sida warku nagu soo gaarayo qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay goob shaaha laga cabo oo ku taalla agagaarka hotelka oo xiliyada galabtii aad u mashquul badan, ayna ku yaallaan goobo badan oo ganacsi.

Qaraxa ka dib waxaa cirka isku shareeray uuro madow iyo qaac ka dhashay qaraxan oo aad u xoog badnaam waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qaraxan inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa xirantay qaraxa ka dib, ciidamada amaanka ayaana isku gedaamay goobta ay wax ka dhaceen, gaadiidka ambalaasta ayaana u sii kala cararaya goobta si ay uga soo qaadaan dadka dhaawacmay.

Wixii ka soo kordha kala qaraxan kala soco wararkeena ugu horeeya Insha Allaah.   

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -