Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo howlgal ku dilay Xubno katirsan Al Shabaab soona bandhigay

Ciidanka ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhabo waxa ay ku dileen labo dagaalyahan oo katirsan kooxda Al Shabaab , oo ku sugnaa tuulada Seyladhow.

Saraakiisha ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay heleen xogtan xubnahan katirsan kooxda Al Shabaab, kuwaa oo ay ku eedeeyeen in dhibaato ku hayeen dadka shacabka.

Ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaana gacanta ku dhigay mooto nuuca loo yaqaan Fekon oo ay wateen raggan katirsanaa Al Shabaab ee la dilay iyo sidoo kale hal qoray oo AK47.

Howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ayaa ka socda deegaanno katirsan dalka, waxaana marar badan ciidamada howlgalo qorsheesan ay fuliyeen ku beegsadeen dagaallamayaal katirsan Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa cusub ee Muqdisho oo maanta tagay xarunta gobolka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay caruurtii uu ka geeriyooday Weriye Cawil Daahir (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Madaxweyne Biixi oo magacaabay guddiga ka hortaga cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---