Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo katirsan Milatariga Somaliland oo sameeyay dhoolo-tus diyaar garow ah (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Somaliland oo ku jira xerada Gorayo-cawl ee kutaalla gobolka Awdal ayaa sameeyay dhoolo-tus cajiib ah, oo ay ugu diyaar garoobayaan xuska 18-ka May oo ah markii ay ku dhawaaqeen gooni u goosadka Somaliland.

Ciidamada ku jira xerada ayaana sameeyay gaardo ka ciyaar nuucyo kala duwan ah, waxa ay sidoo kale ciidamada halkaasi kuoo bandhigeen awoodooda ciidan, iyagoona tilmaamay in ay diyaar u yihiin difaaca deegaannada Somaliland.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi iyo masuuliyiin kale oo la socotay ayaana daawaday dhoolo-tuska ay ciidamada milatariga Somaliland ku sameeyeen xerada Gorayo-cawl ee gobolka Awdal.

Maamulka Somaliland ayaana si weyn u xusa 18-ka bisha May sannad kasta, taariikhan ayaana ah markii ay ku dhawaaqeen dowlad madax-bannaan oo ka goosatay Soomaaliya inteeda kale, inakstoo aysan wali helin aqoonsi rasmi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Fanaanad sabab lama filaan ah ugu geeriyootay Masrax ay heeso ka qaadeysay (Sawirro)

Caydiid Ali

12 Musharax oo isku soo taagay doorashada Guddoonka Aqalka sare (Magacyada)

Caydiid Ali

Bankiga Adduunka oo soo saaray War culus oo ka farxiyey dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---