Hooyo Soomaaliyeed oo Diyaar u ah in ay Gabadheeda u Bixiso Kilideeda (Ogow Sababta)

Hooyo Caasho Macalin Cismaan  waxay la Mururgeysan tahay oo si weyn uga Fikireysaa  Xanuun Dhinaca kelyaha oo haya Gabdheeda Jamiilo  Xuseen Cali  muddo , waxayna Mudooyinkaan la Daala dhaceysey Sifeynta Kelyaha ama Dhiig ka bedelida  Gabadheeda oo Mar waliba u baahan  Kharash aysan ka bixi Karin

“Waxaan u Mahadcelinayaa Walaalaha Soomaaliyeed ee Gabadheeda la garab taagan Kharashka  Dhiiga looga Badelayo oo Todobaadkii ah 70 Doolar oo aan awoodin in aan Bixiyo ” ayey tiri Hooyo Caasho Macalin Cismaan oo  sheegtey in markaan ay Diyaar u tahay in mid ka mid ah Kelyaheeda u Bixiso Gabdheeda oo ay aadka u jeceshahay

“Waxaan ahay Hooyo wax Dhashey waxaana aad u dareemeyaa xanuunka haya Gabdheyda marka Dadka Soomaaliyeed ee ku Nool Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa waxaana ka Codsanayaa in aad iigu Kaalmeysaan sidii aan Gabadheyda ugu bixi lahaa Mid ka mid ah Kilyaheyga” ayey Tiri Hooyo Caasho Macalin Cismaan

Hooyo Caasho Macalin Cismaan  iyo Qoyskooda waa sabool , waxaa Saboolnimada u sii raaca dhamaan ilmaheeda waa ogoon iyada ayaa u Cararta oo u soo dhicisa Ilamaha waxay Cunaan hase yeeshee  waxaa Murugo ku yahay Gabadheeda 16 Jirka oo Isbitaalka Dufle iyo Wasaarada Caafimaadka oo Xaqiijiyeen in Gabadhaas aan Dalka wax looga qaban Karin una baahan tahay in kelyaha laga bedelo

Hadaba dadka Soomaaliyeed ee ilaa wax siiyey , Dowlada Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Samafalka in ay u Gurmadaan  Gabadhaas oo Hooyadood ula diyaar ah in ay u Bixiso mid ka mid ah Kelyaheeda si ay u Badbaadiso Gabadheeda.

Kala Xirirka

Hooyo Caasho Macalin Cismaan

Tel  00252615737839

 

W/D Amiin Yusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmai.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Tel  00252615532494

Halkan ka Akhriso Warqada Dr Dufle iyo Wasaarada Caafimaadka

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -