Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Itoobiya oo markii ugu horeysay taariikhda Madaxweyne u dooratay Haweeney

Baarlamanka Dalka Itoobiya ayaa saaka u doortay Madaxweyne Haweeneey lagu Magacaabo Sahle-Work Zewde, markii uu is-casilay hoggaamiyihii hore, Mulatu Teshome sida ay sheegtay Warbaahinta Qaranka Dalkaasi Itoobiya ee Fana.

Ms Sahle-Work ayaa ah khabiir in badan kasoo shaqaysay Qaramada Midoobay, lehna aqoon maamul iyo waaya argnimo wanaagsan.

Hadal kooban oo ay ka hor-jeedisay Baalmanka ayay kaga hadashay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda Dalka.

Doorashada Haweeneydan ayaa imanaysa Todobaad ka dib markii uu Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi, Abiy Axmed Cali, Magacaabay Golahiisa wasiirrada, kuwaasoo kala bar ahaa Haween.

Madaxweynaha Itoobiya ayaan laheyn awood fulineed oo dastuuri ah waana Madaxweyne madaxweyne Sharafeed, inta badana awooda maamulka dalka waxaa iska leh raisul Wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dugsiga Amiin Quran Online oo fursad qaaliya u haya Qurba joogta iyo caruurtooda

Cabdi Cade

Madaxweyne hore oo ka hadlay Dagaalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Shiikh Shariif iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali