Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo war cusub ka soo saartay heshiis ay horey ula gashay Shirkadda Sahal

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kormeeray xarunta shirkadda Sahal oo Rakaabka basas ku geysa garoonka diyaaradaha Muqdisho

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) iyo Maamulaha Shirkadda Jabril Maxamuud GeediĀ  ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo dib loogu eegayo howlaha shirkadda.

Oomaar ayaa sheegay in dib u eegista heshiiskii hore ay isku afgarteen shirkadda.

ā€œDadweynaha Soomaaliyeed mudda badan ayay na waydiinayeen adeegyadda shirkadani anagoo ka ambaqaadayna hab maamulka wanaagsan waxaan shirkadani ku heshiinay, heshiiskii ay horayĀ  ula gashay dowladda inaan dib u eegis ku sameyno iyadoo laga fiirinayo in dowladda, shirkadda iyo shacabkaba ay ka faaā€™iidaanā€™ā€™ ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Rakaabka ka dhoofa garoonka Aadan cadde ayaa lagu baaraa xarunta shirkadda Sahal oo ku taalla nawaaxiga Km4, waxaana mudooyinkan cabasho xoogan ay ka taagneyd lacago xad dhaaf ah oo shirkadan ay ka qaado dadka dhoofaya lacagahan qasab looga dhigay iney bixiyaan, iyadoo qofkiiba laga qaado 10 dollar min Km4 illaa garoonka oo qiyaastii 1kmoo kaliya isu jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Cabdi Xaashi oo ka hor yimid Xeer uu maanta saxiixay Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey Kulankii Xildhibaanada Golaha shacabka oo lagu kala dareeray

Caydiid Ali

Xog kale oo laga helay sababta Shariif Xassan loogu xanibay garoonka Aadan cabdulle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---