FIFA oo damacsan in wax laga bedelo afarta sano ee lagu qabto Koobka Aduunka

Madaxweynaha Xiriirka kubada cagta aduunka Gianni Infantino ayaa doonaya in la qabto Koobka Adduunka Saddexdii Sanoba mar ka dib markii uu ku dhiiraday guusha ganacsi ee Qatar 2022 – iyadoo Madaxweynaha FIFA uu ku qancay in qabashada tartanka xilliga jiilaalka Yurub uu yahay mid wax ka beddelaya ciyaaraha.

Gianni Infantino ayaa doonaya in koobka aduunka la qabto saddexdii sanaba mar taasoo qayb ka ah qorshaha mustaqbalka fog ee wax ka badalka kubbada cagta caalamiga ah.

Guusha ganacsi iyo isboorti ee ka soo hoyatay dalka Qatar ayaa dhiiro galisay Infantino, kaasoo tilmaan ka bixiyay hamigiisa weyn usbuucii hore isagoo ku dhawaaqay in la balaarin doono koobka kooxaha aduunka 2025 inkastoo uu ku guuldareystay inuu helo taageerada ciyaartoyda, kooxaha iyo xiriirka caalamiga ah. .

Infantino waxa uu ku qanacsan yahay in qabashada Koobka Adduunka ee bartamaha jiilaalka Yurub ee bishii la soo dhaafay ay muujisay isbeddelka ciyaarta, taasoo muujinaysa in ciyaaruhu uu sii wadi karo korriinka iyo inuu noqdo mid caalami ah.

Koobkii kubada cagta ee Qatar lagu qabtay ayaa soo bandhigtay muuqaal soo jiidasho leh, iyadoo tartankan uu soo xareeyay dakhli rikoor cusub ah oo gaaraya £ 6.2 billion taasoo ka dhigan inuu dheer yahay 840 milyan oo ginni Koobkii Adduunka ee 2018 lagu qabtay Russia.

Hamiga Infantino ee mustaqbalka fog waa in la sameeyo tartan cusub, kaasoo Koobka Adduunka la qabanayo saddexdii sanoba mar iyadoo Koobka Kooxaha Adduunka iyo tartamada qaaradaha sida Horyaalnimada Yurub la qabto sannadaha kale.

Ma jiro wax isbeddel ah oo suurtagal ah ilaa laga gaaro Koobka Adduunka 2030, maadaama wadahadal u dhexeeya martigeliyeyaasha ee 2024 ilaa 2030 ay ku dhow yihiin in la soo gabagabeeyo, inkastoo doodaha mawduucan ay ka bilowdeen daaha gadaashiisa.

Infantino ayaa naftiisa siiyay waqti uu ku dhaqan geliyo kacaankiisa maadaama uu todobaadkii hore caddeeyay inuu doonayo inuu saddex xilli oo buuxa sii ahaado madaxweynaha FIFA, kaasoo xilka sii hayn doona illaa 2031-ka.

52-jirka ayaa wajihi doona dagaal weyn si uu u helo wareeg cusub oo saddex sano ah oo la ansixiyo si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu taageero ka heysto dalalka Afrika iyo Aasiya.

UEFA iyo xiriirka Koonfurta Ameerika, CONMEBOL, ayaa si wadajir ah u jabiyay soo jeedintii lagu doonayay in lagu qabto Koobka Adduunka labadii sanaba, waxayna u badan tahay inay ka soo horjeedaan soo jeedinta FIFA ee ah in koobka aduunka la qabto saddexdi sanoba mar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -