Afar Maamul goboleed oo sameystay Xisbi Siyaasadeed, ciidamo u gaar ahna abaabulaya

Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland, K/Galbeed iyo Galmudug ayaa magaalada Garowe uga dhawaaqay inay sameysteen xisbi siyaasadeed oo kulmiya.

Arrintan oo ah tan ugu xiisaha badan go’aanadii kasoo baxay shirkii Maamul Goboleedyada ee Garowe oo socday 21-25 Oktoobar 2018 ayaa lagu sheegay in lagu sameeyay xisbi la magac baxay Xisbiga Horusocod Qaran (National Progressive Party), iyadoo guddoomiye KMG ah loogu doortay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Xisbiga Maamul Goboleedyada ayaan la ogeyn wuxuu ku soo kordhin doono xaaladda kacsan ee siyaasadda Soomaaliya, balse wuxuu qeyb ka noqonayaa loolanka siyaasadeed ee ay kula jiraan dowladda Federaalka.

Waxay kaloo ku baaqeen shirweyne ka dhici doona magaalada Dhuusamareeb oo ay sheegeen in looga hadlayo xaaladda dalka ayna ku marti qaadeen ururada bulshada rayidka, iyo xisbiyada siyaasadda.

Qodobada xiisadaha leh ee ku jira war murtiyeedka ayaa waxaa ka mid ah ciidamo isku dhaf ah oo ay sameysanayaan madaxda dowlad goboleedyada, kuwaasoo ka madax banaan dowlada Somalia, arintan oo halisteeda leh ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -