Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddi Somaliland u saartay fulinta heshiiskii Itoobiya oo qaaday talaabo cusub

Guddida Farsamo ee Somaliland u qaabilsan heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia, ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay madaxda xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID.

Kulamada guddidu la qaadatay hoggaamiyayaasha Axsaabta mucaaridka ayey ujeeddadoodu ahayd isxogwaraysi iyo talo urursi la xiriirta isfahamka dhex maray Somaliland iyo  Ethiopia oo ay guddidani ku hawllan tahay hufiddiisa.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si taxadar leh uga hadlay heshiiska Somaliland Itoobiya ku siineyso dhul badeedka, kuna bedelaneyso aqoonsiga, iyagoo sheegay iney sugayaan inta ay faahfaahin badan ka helayaan.

Heshiiskan ayaa u muuqda haatan mid buray oo cagta saaray wadadii fgashilka ka dib Dowlada Somalia oo heshiiskaas ka carootay ay Itoobiya kaga guuleysatay ololihii diblomaasiyada, taasoo ku riixday xukuumada Abiy Ahmed iney ka caga jiido fulinta heshiiska oo xiisad ka abuuray geeska Afrika.

Related posts

Safarka la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Hargeysa oo lasoo dhaweeyay

Cabdi Cade

Qarax lala damacsanaa Masuul ka tirsan Maamulka Jubbaland oo la fashiliyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Warqado sir ah oo laga helay Daacish oo shaki badan abuuray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---