Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo sheegtay iney dishay boqolaal ka tirsan Jabhada FANO

Milateriga Itoobiya ayaa si rasmi ah u qirtay in uu ciidamo cusub ku xoojiyey furimaha dagaalka ee ka dhanka ah kooxda hubeysan ee Fano ee gobolka Amxaarada, kaddib dagaallo culus oo sababay khasaare badan. Hawlgalka cusub ee ay ciidamada Itoobiya ka wadaan gobolka Amxaarada ayaa lagu sheegay in lagu dilay in ka badan 300 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Fano, halka 125 kalena lagu dhaawacay.

Kooxda Fano ayaa beenisay sheegashadaas, iyagoo ku andacoonaya in ay iyagu gaarsiiyeen ciidamada dowladda khasaare weyn, ayna dileen in ka badan 600 askari, 430 kalena dhaawaceen, halka 98 askarina ay qabteen.

Dagaallada ayaa si gaar ah u saameeyay magaalooyinka Gondar, Merawi, iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Amxaarada, halkaas oo ay ka dhaceen iska horimaadyo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Fano.

Sidoo kale, hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ka dhacay gobolka Amxaarada, iyagoo ugu baaqay dowladda Itoobiya in ay joojiso weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo xarumaha caafimaadka.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Fano ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in uu isku beddelo dagaal ballaaran oo saameeya guud ahaan dalka Itoobiya.

 

Related posts

Galmudug oo ansixisay heshiiskii Golaha Watashiga Qaran gaareen (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Sida maanta looga ciidayo qaar ka mid ah degaanada Al-Shabaab

Caydiid Ali

Gole siyaasadeed oo dhaliilay Xasan Shiikh Maxamuud iyo Mucaaradka ku kacsan Dowladda Soomaaliya!!

admin
Taboola Ads ---