Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si kulul ugu weeraray Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ku eedeeyay in ay maalgelinta malaayiin doollarka ah ee ay Afrika ka sameeyaan u adeegsanayaan ku daboolida arrimo milatari
Wareysi uu siiyay Idaacadda Radio France Internationale, Madaxweyne Geelle wuxuu ku tilmaamay ololeha $110 bilyan ee maalgashiga Imaaraadka ee Qaaradda Afrika inay tahay xeelad istiraatiiji ah oo lagu ballaarinayo saameynta milatari iyadoo la adeegsanayo horumarin dhaqaale oo been abuurka ah. “Imaaraatigu waa kuwo si qoto dheer u wiiqaya gobolka” ayuu intaas ku daray
Hadallada Madaxweynaha ayaa muujinaya walaac sii kordhaya oo ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika ee ku saabsan ujeeddooyinka laba-wajiilenimadaa ah ee maalgelinta shisheeye, gaar ahaan kuwa la xiriira kaabeyaasha muhiimka sida dekedaha, adeegyada saadka, iyo isgaarsiinta.
“Ma jiraan maalgashi si kaliya dhaqaale loogu sameynayo. Waxaa lagu dhex lifaaqay yoolal milatari oo khatar gelin kara madax-bannaanida iyo xasilloonida dalalka Afrika.” ayuu yiri Geelle.
Madaxweyne Geelle wuxuu shaaca ka qaaday in Jabuuti ay horey uga diiday Imaaraadka codsi ay ku dalbadeen in saldhig ciidan laga siiyo dalkaas.
Markii codsigaas la diiday, ayuu sheegay, Imaaraadka waxay dadaalkooda u weeciyeen wadamada deriska ah, iyagoo raadinaya meelaha istiraatiijiga ah ee ku teedsan wadooyinka badda muhiimka ah.
Dawladdaha Imaaraadka Carabta iyo Djbouti ayaan isku fiicneyn mudooyinkan ka dib markii ay Djabouti ay dalkeeda ka eriday Shirkadda DP World oo maalgashatay Dekedaha Djbouti.
maaraatka Carabta ayaa si weyn u ballaariyay saameyntiisa ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya, iyo Suudaan. Imaaraatka ayaa Soomaaliya markii lajoogo taageera maamulada kasoo horjeeda Dawladda Federaalka ah taas oo khatar ku ah midnimada Soomaaliya
Dhinaca kale, Ismaacil Cumer Geelle, oo la waydiiyay in uu markale soo tartami doono Doorashada sannadka dembe qorshaysan. Wuxuuna yidhi: “Su’aashas wax jawaaba uma hayo.”
Dastuurka Jabuuti ayaa dhigaya in madaxwaynaha dalka xilka u tartamaya uu ka yar yabay 75 sanno. Arrintaas oo ka dhigeyso in wax ka badal Dastuur loo baahan doono, hadii Ismael markale soo tartamayo, maadama uu da’daas ka wayn yahay.