Allbanaadir.com
NEWS

Charles King oo Warqadaha aqoonsiga laga gudoomay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah kaga guddoomay Caasimadda Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday (UK), Mudane Charles King.

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay Safiirka, isaga oo u rajeeyay inuu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee loo igmaday, carabaabayna rajada uu ka qabo inuu xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

King waa diblumaasi xirfad leh oo ka tirsan Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta UK (FCDO) tan iyo 2004. Waxa uu horey uga soo shaqeeyay xilal muhiim ah gobollo kala duwan. Ugu dambeyntiina, wuxuu ahaa Madaxa Wadajirka ah ee Taskforce-ka ama guddi hawlgelineedka Qaza ee Israel/Dhulalka Falastiin ee la haysto (2023–2024), isagoo hoggaaminayay dadaallada diblumaasiyadeed ee la xidhiidha ka saaridda xasillooni darrada gobolka.

Intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2023, wuxuu ahaa Madaxa Waaxda Shaqada ee Waqooyiga Afrika iyo Shaam iyo Wakiilka Gaarka ah ee UK u qaabilsan Suuriya, isagoo qaabeeyay siyaasadda Britain ee Bariga Dhexe.

Xilal kale oo uu horey u soo qabtay waxaa ka mid ah: La-taliye Sare oo Arrimaha Dibadda iyo Istaraatiijiyadda ah Safaaradda UK ee Paris (2017–2020), Ku-xigeenka Madaxa Qaybta Siyaasadda ee Baqdaad (2009–2010), Madaxa Xafiiska Suuriya ee Istanbul (2012–2015), iyo Xoghayaha Labaad ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ee Dimishiq (2008–2009). Wuxuu sidoo kale ahaa Madaxa Shaqaalaha ee Jonathan Powell, Wakiilka Gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha UK u qaabbilsan Liibiya sannadihii2015–2016.

Related posts

(Daawo Sawirro) Ciidamada PSF oo howlgal ku dilay xubnihii ugu badnaa Daacish

Caydiid Ali

(Sawirro) Shir jaraa’id oo lagu dhex qabtay fatahaada webiga ee degmada Afgooye

Caydiid Ali

Sirdoonka Soomaaliya oo hawada ka saaray Websetyadii Al Shabaab wararka ku baahin jireen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---