Waxaa isa soo taraya cambaareynta loo jeedinayo wariyeyaal kala duwan oo ka shaqeeya qaar ka mid ah telefishinada Muqdisho, kuwaasoo duubayay muuqaalo ay dadka shacabka ah ku weydiinayeen aragtidooda ku aadan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee bilowday.
Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo ka tirsan Golaha shacabka & golaha warbaahinta qaranka iyo siyaasiyiin kale ayaa cambaareeyey xariga weriyeyaasha.
“Tani waxay caddayn u tahay in rajiimka talada haya si ku tala gal ah u beegsanayo warbaahinta, unna cabburinayo xoriyadda hadalka, taasoo lafdhabar u ah isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo dowlad wanaagga” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo qoraal soo saaray.
HOOS KA AKHRISO QORAALADA SIYAASIYIINTA IYO URURADA WARBAAHINTA