Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax lala damacsanaa Masuul ka tirsan Maamulka Jubbaland oo la fashiliyey (Sawirro)

Taliska Nabad sugida Jubbaland ayaa sheegay iney caawa fashiliyeen qarax la doonayey in lagu qaarajiyo masuul ka tirsan Maamulka oo aan magaciisa la sheegin.

Qoraal ay soo saareen Taliska Nabad sugida Jubbaland oo arrintan looga hadlay aya sidan hoose lagu bilaabay.

Alle Mahadii waxay ciidanka Hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland (JISA) caawa fashiliyeen miino ay argagixisadu albaabka ugu dhajisey masuul katirsan Dowlada Jubbaland.

Ciidanka ayaa ku guuleystey inay miinada ka furaan albaabka ayada oo aan wax khasaare ah ka dhalan.

Waxaan u mahadcelinaynaa bulshaweynta reer Kismaayo ee sida joogtada ah ula soo wadaagaya laamaha amniga qorshayaasha iyo ficilada argagixisada. Mahadsanidiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia oo isla gartay is dhaafsiga khuburo dhinaca dhaqaalaha

Cabdi Cade

Faahfaahin: Weerar dhowr qof lagu dilay oo xalay ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Wasiir Cawad oo nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjire Mehmet Yilmaz (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---