Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Midowga Yurub oo Israel ku eedeeyey iney gaajo u adeegsatay hub dagaal

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay “gaajo u adeegsato hub dagaal” iyo iney ka shaqeyneyso macaluul ku dhufata Gaza.

Borrell ayaa sheegay in Gaza ay hadda qarka u saaran tahay macaluul” balse “ay ku jirto xaalad saamaysay kumannaan qof,” isagoo intaas ku daray in aanay ahayn masiibo dabiici ah balse ay si toos ah u sababtay Israa’iil oo ku eedeeyey inay ka hortagto taageerada bini’aadantinimo ee soo gelaysa Gaza

Isagoo ka hadlayay xafladdii furitaanka Madasha Bani’aadantinimada Yurub, oo ah shir caalami ah oo gargaarka iyo iskaashiga ah oo ka dhacay Brussels, Borrell wuxuu ku eedeeyay Israel in boqollaal baabuur oo xamuul ah oo ku sugan xuduudda ay ka hor istaagtay inay galaan Gaza.

“Gawaadhida xamuulka qaada waa la joojiyay, dadkii baahnaana way dhimanayaan,” Borrell ayaa yiri.

Gaarsiinta gargaarka badda iyo hawada waxay ahayd kaliya lagama maarmaan sababtoo ah  habka gargaarka dhulka waxa xirtay Israel” ayuu raaciyay.

Related posts

Konton Jir Sacuudiyaan ah oo fal khasaaro badan dhaliyay ka geestay Jarmalka

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo hadal ka jeediyay Shir madaxeedka Daarusalaam ka socda (Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney 102 sano jir ah oo dil ka geysatay dalka Faransiiska

Caydiid Ali
Taboola Ads ---