Safarka la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Hargeysa oo lasoo dhaweeyay

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayay booqasho la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa, waxaana safarkaasi siyaabo kala duwan uga hadlay siyaasiyiin.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka kana soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa soo dhaweysay safarka la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa.

Waxa ay sheegtay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf in Madaxweyne Farmaajo uusan u sheegin Safarka uu ku tagayo magaalada Hargeysa, waxa ayna tilmaantay in qorshaha safarkaasi ay ka maqashay masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland.

Fowsiya Yuusuf ayaa sheegtay in Xildhibaanada labada golle ee kasoo jeeda Somaliland ay raali ka yihiin safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa, waxa ayna u mahad celisay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo qeyb ka ah qorshaha safarka Hargeysa.

”Madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaq go’aanka aad uga dageysid Magaalada Hargeysa, waa wax lagu farxo oo la bogaadiyo in aad safar ku aado Hargeysa, Madaxweyne u diyaar garow wax walbo aad halkaas kala kulanto” ayey tiri Xildhibaan Fowsiya Yusuf.

Safarka la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ku tagayo magaalada Hargeysa ayaa hadal heyn badan abuuray, waxaana siyaasiyiin iyo dad kalaba safarkaasi aan wali la xaqiijin uga hadleen siyaabo iska soo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -