Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo qaaday talaabo kale oo ka farxisay Siiriya

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu soo saaray ruqsad guud oo quseysa Suuriya oo la xiriirta qaadista cunaqabateynta.

Xafiiska Kormeerka Hantida Dibadda ee hoos taga Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa Jimcihii, 23-ka May, soo saaray ruqsadda guud ee lambarka 25 ee quseysa Suuriya, taasoo si degdeg ah u fududeynaysa cunaqabateyntii saarneyd, iyada oo la raacayo bayaankii Madaxweyne Mareykanka ee ahaa in la joojiyo dhammaan cunaqabateynta saaran Suuriya.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa isna bixiyay cafis muddo 180 maalmood ah ah oo la xiriira cunaqabateynta saaran Suuriya, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan wasaaradda.

Ruqsadda guud ee lambarka 25 waxay oggolaaneysaa macaamilada horey loo mamnuucay ee hoos yimaada xeerarka cunaqabateynta Suuriya, taasoo si dhab ah u qaadaysa cunaqabateynta.

Ruqsaddani waxay fureysaa fursado cusub oo maalgashi iyo dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo gaar loo leeyahay, iyadoo la jaanqaadaysa istaraatijiyadda madaxweynaha ee “America First”.

Tani waa qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo dowladda Mareykanka ay ku dooneyso in si buuxda looga qaado cunaqabateynta saaran Suuriya ee la xiriirtay xadgudubyadii nidaamkii Bashar al-Assad.

Ruqsaddan waxa ay oggolaaneysaa in lala macaamilo dowladda Suuriya iyo madaxweynaha Ahmed Al-Shara, iyo sidoo kale hay’ado badan oo dhaqaale iyo maaliyadeed, kuwaas oo ugu muhiimsan yihiin Bangiga Dhexe ee Suuriya, diyaaradaha Syrian Airlines, hay’adda guud ee shidaalka, shirkado, bangiyo iyo wasaarado rasmi ah oo badan.

 

Related posts

Galka hoggaaminta iyo shaqada ciidanka oo loo kala wareegiyay Sulub iyo Diyaano

Cabdi Cade

Cali Gacal oon la dhacsaneyn Qorshaha Xukuumada ee ku aadan Galmudug kuna sii jeeda magaalada …

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ku wajahan magaalada Garawe iyo Xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---