Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya xubin rasmi ka noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika(EAC), kadib munaasabad maanta ka dhacday magaalada Arusha ee waqooyiga dalka Tanzania.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Xildhibaan Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa xoghayaha guud ee Ururkaas Dr. Pmathuki u gudbiyey dukumentiyada ansixinta iyo habraacyada ee ka mid noqoshada ururkaas.

Mudane Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa inta munaasabadda ka socotay magaalada Arusha la guddoonsiiyey calanka wadamadda ku bahoobay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. .

Munaasabadda waxaa goob-goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Garsoore ah oo lagu dacweeyay fal ay sameysay xilli ay dacwad dhageysi socotay

Cabdi Cade

Howlgal culus oo ka socda degaan ka tirsan Mudug & dad la soo xirxiray

Caydiid Ali

Al Shabaab oo laga cabsi qabo in Door weyn ku yeeshaan Doorashada soo socota

Cabdi Cade
Taboola Ads ---