Al Shabaab oo laga cabsi qabo in Door weyn ku yeeshaan Doorashada soo socota

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa dareen cabsi leh ka muujiyay in Al Shabaab door ku yeeshaan Odayaasha iyo Ergayda mar kale soo dooranaya Xildhibaanada golaha shacabka doorashada soo socota ee 2020-2021.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in Ergadii sanadkii 2016-kii soo doortay Xildhibaanada hada shaqeeya ee golaha shacabka ay noqdeen kuwa la dilay, kuwa Al Shabaab isku dhiibay iyo kuwa nafsadooda la baxsaday.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in ay adkaan doonto in la helo Ergo gaareysa 82-kun oo soo doorata xilhibaanada cusub ee golaha shacabka, waxa uuna su’aal galiyay xitaa hadii la helo ergadaasi cida damaanad qaadeysa in aysan lamid noqon doonin kuwii hore.

”Ergadii 14 kun ahayd ee sanadkii 2016 soo doortay 275 Xildhibaan Golaha Shacabka intooda badan waxay noqdeen kuwa la dilay, kuwa Alshabaab isku dhiibay, kuwa ka cararay dalka iyo kuwa afar sano dhuumaaleysi ku jiray. Haddaba, su’aashu waxay tahay, Sidee looga ilaalinayaa odoyaashii iyo ergadii isku dhiibay Alshabaab in ay ka soo mid noqdaan kuwa hada wax dooranaya, si inta u soo xulaan ergo Alshabaab aysan u soo dooran Xildhibaan Alshabaab ah?” ayuu isweediiyay xildhibaan Mahad Salaad.

Doorashada Soomaaliya ee soo socota ayaa lagu heshiiyay in ergada iyo Odayaasha wax soo dooranaya laga dhigo ilaa 301-ruux, waxaana shaki badan laga qabaa in laga heli doono beelaha qaar ergo intaas la eg oo Xildhibaan soo doorta sababa jira owgood.

 

- Advertisement -