Howlgal culus oo ka socda degaan ka tirsan Mudug & dad la soo xirxiray

Ciidanka Kumandoska Somalia ee Danab ayaa saaka hawlgal qorshaysan ka wada deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Saaka waaberigii ayay degaanka galeen ciidamada oo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, iyagoo qabtay sdadex nin oo lagu tuhunsan yahay iney la shaqaynayeen Al-shabaab.

Ciidamada ayaa baaraya xaafado ka tirsan degaanka Camaara, iyagoo raadinaya rag la soo farmuuqay oo la doonayo in la soo xiro.

Gudoomiyaha degaanka Camaara Shiikh Yuusuf Salaad ayaa sheegay in hawlgalku weli  ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad loo heysto iney la shaqeynayeen Al-shabaab iyo kuwa ka tirsan kooxdaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in raga ciidamadu ku raad joogaan ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo xogtooda la helay iney qaab qarsoodi ah ku joogaan degaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -